Xeyndaabka U Dhaxeeyo Dhaqtarka Guud Iyo Midka Ilkaha


Makula tahay in lagaaray waqtigii ladumin lahaa derbiga u dhaxeeya dhaqtarka guud iyo kan ilkaha daweeya??
Tan iyo markii la unkay iskuulkii ugu horeeyey ee qaabilsan barashada ilkaha ee wadanka Maraykanka kuna began 1840 kii, dadku waxaa ay qabeen aragti ah in dhakhtarka daweeya cududrada guud iyo midka ilkaha ay yihiin labo shaqo oo kala duwan.
Xeyndaabkaas u dhaxeeya ee kala qeebinaya labada dhinac, waa mid raad xun ku reebaya caafimaadka bulshada, waxaana la joogaa xiligi afku (daweynta ilkuhu) uu kamid noqon lahaa jidhka intiisa kale.
1840-kii, dhaqtarka ilkuhu waxaa uu xooga saari jiray bixinta iliga xumaada iyo buuxinta godadka. Maantay, dhaqaatiirta ilkuhu waxay isticmaalaan siyaabo casri ah oo ay u adeegsadaan dhanka ka hortaga, baarida iyo daweynta intuba. Maanta iyadoo la isticmaalayo horumarka casriga ah dhaqaatiirta ilkaha waxay geliyaan iliga, baaraan kansarka afka, waxay adeegsadaa sawirada 3-D (muuqaal sameeye casri ah) si ay u qaabeeyaan daanka, waxay kale oo ay abood u leeyihiin daweynta ciridka qaliin la’aan. Waxaa kale ay ogaadeen xirrika ka dhaxeeya caafimaadka ilkuhu iyo midka guud ee jidhka intiisa kale kudhaca.
Tusaale, xanuunka kudhaca ciridka ee loo yaqaano ( Periodontal disease or gum didease)  waxaa lala xirriryaa xanuunada sonkorta, dhiig karka iyo cudurada kale ee asiiba xididdada dhiiga iyo wadnaha. Haweynayda uurka leh ee uu asiibo cudurka ciridka ( Periodontal disease) waxaa lagayaabaa inuu ku dhaco sidoo kale xanuun ka mid ah kuwa nafteeda halista gelinkara ee la xirrira uurka sida xanuunka ( pre-eclampsia) kaasoo ah in haweenayda uurka lihi uu dhiigeeda uu kor ukaco taasina waxa ay sababi kartaa in ay dhasho canug uu miisaankiisa hooseeyo.
Inta badan jaamacaddaha maanata bixiya waxbarashada la xiriira ilkaha waxaa ay soo saaraan xirfadley aqoon wanaagsan u leh dhanka cudurada ku dhaca afka, laakiin aqoontooda dhanka cudurada guud ay koobantahay. Ardo kooban oo fara kutiris ah baa u diyaarsan in ay fahmaan ama lasocdaan xaaladaha kale ee ka baxsan afka sida, eegida cududrada kale ee bukaanka uu qabi karo si guud ahaaneed, eegida xanuunka wadnaha ee bukaanka, ama in ay baaraan xanuunada maskaxda kudhaca ee bukaanka ka hor inta aysan ilkaha ka daweyn.
Waxaa jira qaab wanaagsan oo lootababari karo dhaqaatiirta ilkaha si ay u gutaan waajibkooda, doorweyna ugu qaataan daweynta cududrada raage ee bukaanka ku dhaca.
Jaamacadda caanka ah ee Harvard ee wanadanka Mareekanka qeybta barashada caafimaadka la xiriira ilkaha (Harvard School of Dental Medicine) ee la aas aasay 150 sano ka hor (July 17, 1867), Professor Bruce Donoff oo madax ka ah qeybtaan ayaa waxaa uu leeyahay “ardayda barata caafimaadka ilkaha ee Harvard waxaa ay wax la bartaan mudo halsano ama kabadan ardada kale ee caafimaadka qeebihiisa kala duwan dhigta” taasi waxaa ay tusinaysaa sida ay muhiim u tahay in dhaqaatiirtu ay wada shaqeeyaan maadaama afka uu ka mid yahay jidhka intiisa kale.
Hoos u dhac kuyimaada caafimaadka ilkaha wuu ka mugweyn yahay dhibkiisu kana saamayn badan yahay ilkaha iyo afkuba, sababtoo ah afku waa meesha aan wax kucuno, ka neefsano, kana hadalno. Xanuunka kudhaca afku waxuu sababi karaa inuu hoos u dhigo kalsoonida iyo hiigsiga qofka.

Caabuqa iyo xanuunada kudhaco ciridka iyo afka waxaa ay hor u dhac u noqonkaraan ama sababi karaan xanuuno badan sida sonkorta, xanuunada wadnaha iyo kuwo kale oo badan. Infectionka ku dhaca afka waxaa uu keeni karaa midka kudhaca dhiiga kaasoo aad u khatar badan loona yaqaano (Sepsis).
Dhaqanka xirfadlayda ilkaha waa inuu isbedelaa sameeyaana horumar isu soo dhowaansho taasoo ka dhaxaysa dhaqaatiirta cudurada guud iyo kuwa ilkaha.
Qodida, bixina, buuxinta iyo qurxintu waa qeybo muhiim ah oo katirsan shaqooyinka dhaqtarka ilkaha, laakiin baahida jirta waxaa ay tahay in loo baahanyahay si qaabkaasi ka balaaran kana duwan lala yimaado tkaasoo keeni karta ka hortaga cudurada faafa, maareyn caafimaad oo dhamaystiran taaso ay ka qeyb qaadanayaan qeybaha kala duwan ee xirfadleyda caafimaadka, iyagoo sameynaya ishdexgal iyo wada shaqayn ku qotanta u adeegida bukaanka iyo caafimaadkiisa intuba, taasi ayaana keeni karta in xeyndaabka u dhaxeeya dhaqtarka guud iyo midka ilkaha uu meesha ka bixi karo



Waad kumahadsatahay aqriskaaga.
Fadlan waxii talo ama faalo ah inoo reeb.

Qore : Deko Mohamed.

Comments

Popular posts from this blog