Posts

Showing posts from August, 2017
Image
Maxaan Bartaa? Halkee Ayaan ka Bartaa? Waxaan doonayaa in qormadaan aan ka soo qaado, su'aalo dhowr ah oo badanaaba ay is weydiiyaan ardayda waxbarasho doonka ah, ama ay qasab thay in ay is weydiiyaan. Waa su'aalo la xiriira mustaqbalkaaga iyo noloshaada ardaynimo ka dib. Haddii aad is weydiinaysid, maadada aad baranayso, meesha aad ka baran doonto iyo qaabka aad u baran doonto iyo hamiga aad leedahay ee mustaqbalka ah, qormadaan waxay fikrad kaa siin doontaa sida ugu haboon ee su'aalahaaga jawaab ugu heli kartid. Badanaa ardaydeena way ku yar tahay tirada is weydiiso su'aalahaan ama ay helaan dad kala taliya, sababahane way kala duwan yihiin, aqoon darri ha iska jirto ama awood la'aan wax doorasho intaba. Ardayga markuu rabo inuu maado barto waa in maadadaas horta hore uu u hayaa jeceyl iyo sabab weyn oo ku qasbayso inuu barto, hadii labadaba aysan jirin oo ay ka tahay jaamacad ayaa la ii xareeyay wixii ii soo baxo ayaan baranayaa, waxaa dhici k